Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin Iyo Garyaqaano reer k, afrika ah oo ku baaqay in la aqoonsado somalilnd PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Sunday, 07 February 2010

Pretoria,(Nageeyenews)-25 xubnood oo iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay, garyaqaano caalami ah, khubaro ku takhasustay qaaradda afrika, iyo ganacsato waaweyn oo u badan kuwa iska leh shariikadaha caymiska iyo maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed oo tiradoodu gaadhaysay 25 ayaa

shir balaadhan oo uga socday magaaada Pretoria ee dalka koonfur afrika waxay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay ugu baaqeen in furaha keliya ee xal u noqon kara xaaladda budhcad badeeda xeebaha beriga afrika ay tahay in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland si gacan loogu siiyo in ay xeebaha gacanka cadmeed Somaliland gacanta ugu dhigto isla markaana ay ugu soo celiso ammaan ay si nabad ah maraakiibta xamuulka qaada u mari karaan.

Kulankani oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale gebo-gebadiisii hadal dheer ka jeediyey haweenayda ah wasiirka gaashandhiga ee dalka koonfur afrika Ms Lindiwe Sisulu, waxaanay Marwo Sisulu aad u ammaantay madaxdani, waxay Ms Sisulu sheegtay in dalkeedu uu aad u danaynayo Somaliland oo ku soo biira ayey tidhi beesha caalamka waxaana ay sheegtay in xukuumadda koonfur afrika ay seddex sanno ka hor ka qayb gashay dood ay dalalka afrika ka yeesheen arrinta qaddiyadda Somaliland, waxay uga ballan qaaday ergooyinkaasi in ay farriintaasi gayn doonto shirka golaha wasiiradda ee dalkeeda.

Waxaa isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey madaxa shariikadda caymiska ICEA ee xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya J. P. M. Ndegwa, wuxuuna aad ugu dheeraday daraasad balaadhan oo ay shariikadiisu ku samaysay ammaanka xeebaha beriga afrika, wuxuu soo jeediyey in haddii la waayey dawladdii Soomaaliya la helo xal kale, wuxuuna sheegay in ay awood saari doonaan sidii ay arrinta aqoonsiga iyo gacan qabashada Somaliland u gayn lahaayeen wuxuu ku tilmaamay albaabada adduunyada laga gallo.

Qoraalka baaqa ah oo lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda gaashandhiga dalka koonfur afrika ayaa wuxuu guul weyn u yahay hanaqaadka aqoonsi raadiska iyo madax banaanida Somaliland oo garawshiyo ka hellay qaybo kala duwan oo bulshada caalamka ah, wallow shirkani aanay xukuumadda Somaliland cidina uga matalaynin marka laga reebo ergayga u fadhiya xukuumada South Afrika Mr. Iqbal Jazby oo isagu shirka ka qayb gallay haddana waxaa laga dheehan karayey dedaalka mucaarid iyo muxaafidba ay u galleen isku keenidda khubaradani

Source Haatuf

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 5 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design