Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

Khasaaraha Mudaharaad ka Dhashay Macallimiin la Xidhxidhay oo Gilgilay Magaaladda Laascaanood PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Sunday, 07 February 2010

Laascaanood (Nageeyenews)- Mudaharaad rabshado watay oo sababay dhimasho iyo khasaare kale, ayaa shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kaasi oo ka dhashay macallimiin looga shakiyey qaraxyadda Laascaanood oo ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen.

Mudaharaadka rabshada watay, ayaa sida dad xogogaal ah oo ku sugan Laascaanood xaqiijiyeen, isla markaana lagu baahiyey shabakadaha wararka, waxa ku dhintay hal qof oo uu jiidhay baabuur wadada marayey, iyada oo dad kale oo isugu jira boolis iyo shicib ku dhaawacmeen mudaharaadkaas, kadib markii dad gadoodsan oo isugu jira arday iyo dadweyne kale oo caadi ahi isugu soo baxeen waddooyinka magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo wadada laamiga ah ku xidhay dhagaxaan iyo taayiro ay gubeen.

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa markii dambe kala eryey dadkii mudaharaadayey, iyada oo xabsiyada la dhigay dad gaadhaya ilaa afartan qof oo ka mid ah kuwii ka qaybqaatay isu soo baxa shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo dhagaxaantii ay tuurayeen ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan booliska.

Magaaladda Laascaanood oo ay hadda ku sugan yihiin wefti culus oo ka socda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyey, kadib markii qaraxyo isdaba joog ahi ka dhaceen magaaladda.



Jamhuuriya Online

 

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 3 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design