|

Addis Ababa,/-Waxay ahaayeen kuwo qirsan in dib-u-dhac balaadhani ka jiro manddaqadihii ay ka kala yimaadeen. Midna midka kale kumuu diidanayn horumar la’aanta ka taagan qaaradan. Sidoo kale, mid kasta daah kamuu saarnayn habka uu dadkiisa uga saari karo xaaladdaha dhaqaale-xumo, faqiirnimo, caafimaad-darro iyo wax-qabad la’aaneed ee haysta dadyowgooda.
Hase yeeshee, marinkii ku haboonaa ee loo mari lahaa furfurnaanta dhaqaale, siyaasadeed, wax-soo-saar iyo casriyaynta dalalkooda, ayaa hogaamiye kasta calaamad su’aal ula muuqata, maadaama oo ay badidoodu u akayaan in siyaasaddaha furfurnaanta dhaqan-dhaqaale ka horimanayso sii-jiritaanka maamuladooda. Haddaba, qormadan waxaynu ku eegi doonaa kulan-madaxeedkii Afrikaanka, qorshaha iyo ololaha Liibiya ee isbedel lagu sameeyo guud ahaan qaab-dhismeedka AU-da iyo xulufo u-raadsigooda, qiimayn la’aanta natiijooyinka shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Afikaanka, ku-dhawaaqidda xalinta mashaakilaadka qaarada ka jira iyo wax-qabad la’aanta ka dambaysa, hoos-u-dhaca hadal-hayneed iyo wax-qabad ee mashkiladdaha Somalia…balse aynu ku horayno Shir-madaxeedka AU-da natiijooyinka lagu gaadhaa maxay u soo kordhiyaan qaaraddan, maxaa layska yidhi Somalia, qaddiyada Somaliland-se halkee loo mari karaa?
Qorshihii Qandaafi iyo Dardartii Bingu Wa Mutharika
Hadii aynu ku horayno Ololaha Qandaafi iyo Shirmadaxeedkii dhawaan ka dhahcay Addis Ababa, Madaxweyneyaasha iyo Hogaamiyeyaasha Afrika, marka laga reebo dhawr dal kulan-madaxeedkii sannadkan ee AU-da waxa uu mid kastaaba ugu yaraan soo qaddimayay canaano la xidhiidhay xaqiiqooyinka horyaala iyo marinkii lagaga gudbi lahaa aafooyinka Afrikaanka ka ragaadiyay horumar ay gaadhaan iyo inay la qabsadaan calaamka intiisa kale. Iyadoo ay sidaa tahayna, cidda horumarka laga sugayaa waa iyaga uun! Mid kastaaba wuxuu isku deyay inuu tilmaamo dhibaatada dalalka kale ka jirta, iyada oo uu afka ka dhawrayo dhib kastoo dalkiisa ka taagan. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Mucamar Al Qandaafi oo dalka Liibiya soo xukumayay 41 sannadood, ayaa ahaa guddoomiyaha AU-da sannadkii tegay. Khudbad uu jeediyay markii uu xilka guddoomiyenimada Afrika wareejinayay waxay ka tarjumaysay in Ururka AU-da laftiisu aanu ahayn mid kala-dambayn iyo nidaam maamul raacaya, waxaanu u muuqday markaa mid durayay dalal xubno ka ah ururka, balse weerarkiisaasi wuxuu la maray in ururkii uu sannadka madaxa ka ahaa ku tilmaamo wax aan soconayn, isla markaana isbedel loo baahan yahay.
Cabdiweli Faarax Jaambiir Tifaftiraha Wargeyska Ogaal |