Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

guddoomiye saleebaan oo mudanayaasha guurtida u sheegay in khilaafkii shirgudoonku uu dhamaaday PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Sunday, 07 February 2010

Hargeysa (Nageeyenews) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in shirgudoonka Guurtidu ay si rasmi ah u soo afjari doonaan khilaafka dhexdooda isla markaana ay wixii ay xal u arkaan Golaha horkeeni doonaan Arbacada fooda inagu soo haysa.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi kooban oo maanta Goluhu yeeshay waxaanu Xildhibaanada u jeediyay hadal kooban waxaanu yidhi“Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay golaha waxaad moodaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo riixay waxaan ka odhanayaa mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo keena waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.”

“Mudadaba Arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo degno. Taayada (Shirgudoonka) ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa qeybsan yahay markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna faataxasanay.”

Guddoomiyaha golaha Guurtida oo ka hadlayay xeerka xakamaynta Hubka fudud ee golaha horyaala waxaanu yidhi “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato Anaguna Shirgudoonka waa inaanu wixii aad na farteen aanu galnaa oo keenaa.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo isaguna la oogsaday oo ku dhawaaqay hadalkan “Waxaanu ku cel celinay waar khilaaf kale nama hayo sadexdiinaasi haddii aad soo midowdaan goluhuna wuu midoobayaa.ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn waxaad na tidhaahdaan sadex kale keena.golahaanan soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka Golahaa ka weyne iyaanu inaga burburin.”

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 17 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design