| taliyihii ciidanka sahaminta qaybta 12-aad oo galabta lagu aasay burco |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Sunday, 07 February 2010 | |
|
Burco ( Nageeyenews.com), Alle ha u naxariistee Marxuum Mataan Mahdi ayaa la sheegay inay Xabadu ka haleeshay Madaxa, isla markaana dhaawaciisa loola cararay magaalada Burco, halkaas oo uu aakhirkii ku dhintay, kaas oo galabnimadii maanta lagu aasaasay isla magaalada Burco. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumada Madaxweyne Daahir Riyaale oo la xidhiidha dilka Saraalkan ka tirsan Ciidanka qaranka Somaliland, hase yeeshee Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka qaranka iyo kuwa Booliska oo aanu la xidhiidhay si aanu wax uga weydiino dilka Marxuum Mataan Mahdi oo ahaa Taliyihii sahaminta aaga bari ee qaybta 12aad ee Ciidanka qaranka somaliland, ayaa ka gaabsaday inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan qaabkii uu falkaasi u dhacay. Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadan uu ku dhintay Alle ha u naxariistee Taliyihii Sahaminta ee Ciidanka qaranka Marxuum Mataan Mahdi ayaa sheegay inuu falkaasi ka dhacay ilinka hore ee Guriga Badhasaabka gobolka Saraar Mr Saleebaan Ducaale X. Jaamac. Si kastaba ha ahaatee dhacdadan uu ku naf waayey Marxuum Mataan Mahdi ayaa muran weyn ka dhalisay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, taas oo dadka qaar aaminsan yihiin, isla markaana ay ku doodayaan in falkaasi ahaa mid badheedh ah, halka ay dadka ku dhaqan magaalada Caynabo qaarkood ku doodayaan inuu falkaasi ahaa mid ku dhacay si kedis ah, isla markaana ay Xabadu qoriga dhuuntiisa si kedis ah uga baxday, kadib-na ay Sarkaalkan haleeshay. Xafiiska Wararka Ee Nageeyenews Hargeysa/Somaliland Reported by Cabdiqani Cabdilahi Axmed |
| < Prev | Next > |
|---|






