| Ancelottiga kooxda Chelsea oo si weyn ugu riyaaqay guushii ay ka soo hooyeen Arsenal |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Monday, 08 February 2010 | |
|
Ancelotti ayaa ka markhaati kacay in kooxda Arsenal ay ka mid tahay kooxaha ugu awooda badan horyaalka dalka Ingiriiska balse aan guusha ay ka soo hooyeen ay ku timid dhidid iyo dhiig faro badan oo ay u hureen ciyaaryahanada kooxdiisu. "Kooxda Arsenal waxa ay ka mid tahay kooxaha ugu wanaagsan horyaalka dalka Ingiriiska, guusha aanu ka soo hoynayna maaha mid iska timid ee waa mid aanu dhiig iyo dheecaan badan u hurnay" ayuu yidhi tababare Ancelotti. tababare Ancelotti ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in sanadkan ay xooga saari doonaan sidii ay meel sare uga geli lahaayeen horyaalka dalka Ingiriiska isla markaana ugu guulaysan lahaayeen horyaalka dalkaas waxaanu yidhi "Sanadkan waxa aanu xooga saaraynaa sidii aanu ugu guulaysan lahayn horyaalka dalka Ingiriiska, hamigayaga koowaad waa kaas" ayuu yidhi. geesta kale waxa uu tilmaamay in sanadkan kooxda culayska ugu badan ku haysa kooxdiisu ay tahay Manchester United, balse waxa uu tilmaamay in ay dhinac iska dhigi doonaan "Sanadkan kooxda culayska ugu badan nagu haysaa waxa ay tahay Manchester United, laakiin waxa aanu diyaar u nahay in aanu iska duno oo aanu meel ku tiirino." ayuu hadalkiisa kaga baxay tababare Ancelotti. kooxda Liverpool oo sanadkan la islahaa waxa ay noqonaysaa mid meel hoose ku dhacday ayaa kor u soo kacday waxaanay kaalinta 4-aad soo fadhiisatay horyaalka dalkaas. si kastaba ha ahaatee horyaalka dalka Ingiriiska ayaa sanadkan maraya meel aad u xiiso badan iyada oo kooxaha ugu waaweyn horyaalkaasi ay si weyn ugu hirdamayaan.
Nageeyenews/Desk This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it Hargeysa/somaliland |
| < Prev | Next > |
|---|






tababaraha kooxda Chelsea ayaa kulankii ay xalay afka ciida ugu geliyeen kooxda Arsenal ka dib hadal kooban oo uu saxaafada ugu talo galay ku sheegay in ay muujiyeen dedaal xoogan isla markaana mahadgaar ah u soo jeediyay ciyaaryahan Didier Drogba oo isagu iska lahaa masuuliyada guushaas.