Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

nin u dhashay dalka Sri lanka oo soo xaday gabadh yar oo soomaaliyeed, xabsiga hargeysana ku xidhan PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Monday, 08 February 2010

Hargeysa (Nageeyenews) – Nin dhalashadiisu tahay Siralanka oo gabadh yar oo da’deedu tahay 10 jir oo somaliyad ah oo uu ka soo kaxaystay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in uu gabadhaasi yar ka soo iibsaday gabadh u dhalatay talyaaniga ayaa shalay galab ciidamada boolisku ay magaalada Hargeysa ku qabteen iyagoo ninkaasina xabsiga u taxaabay.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada booliska oo faahfaahin ka bixinaya ninkaasi Siralanka u dhashay ee gabadha yar watay, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in ninkaasi dhalashadiisu tahay Siralanka oo xalay ay saldhiga dhexe ee booliska su’aalo ku waydiinayeen ayaa noo sheegay in ninkaasi oo gabadha yar kala soo kicitimay magaalada Boosaaso dirawalkii waday gaadhiga uu soo kiraystay markii ay caasimada uu soo galay uu ninkaasi booliska ku wargaliyey una sheegay in gabadhaasi yar uu ka soo iibsaday gabadh Talyaaniyad ah taas darteedna ay xabsiga u taxaabeen ciidamada amaanku oo wakhtigan xaadirka ahna ay baadhisi ku socoto.

Gabadha yar ee uu ninka Siralankiga ah Boosaaso ka soo kaxaystay da’deedana lagu sheegay 10 jir ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah gacanta ku haya ciidanka amaanka, taas oo isla shalay makhribkiiba la sheegay in la geeyey guri uu leeyahay askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Wariye ka tirsan wargeyska Haatuf oo xalay booqday saldhiga dhexe ee booliska magaalada Hargeysa ee uu ku xidhan yahay ninkaasi Siralankigu ayaanay u suura galin inuu saldhiga gudaha u galo iyadoo wakhtigaasina si wayn loo adkeeyey galitaanka saldhiga iyo duleedkiisaba amaankiisana si wayn loo xoojiyey.

Taliyaha ciidanka booliska General Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxna kaga waydiinay ninkaasi dhalashadiisa tahay Siralanka ee xabsiga loo taxaabay ayaa isagu sheegay inaanu jirin ninkaasi Siralanka u dhashay xadhigiisa waxaanu si kooban u yidhi taliyuhu “warkaas waxba kama jiraan, war beenaana laydin siiyey”.

 

 source Haatuf

 

 

 

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 6 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design