Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

nin afar caruur ah oo uu dhalay qudha ka jaray markii ay hurdo ka toosiyeen PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Monday, 08 February 2010

nin u dhashay dalka Hindia ayaa dhawaan qudha ka jaray afar caruur ah oo uu dhalay ka dib markii ay ku qayliyeen isaga oo hurda.

ninkan oo u dhashay gobolka Bunjab ayaa waxa la soo taagay maxakamad waxaana lagu xukumay xadhig gaadhaya 20 sano iyo waliba ganaax lacageed oo dhan 70 kun oo doollar.

ninkan oo ay da'diisu tahay 40 sano jir ayaa u sheegay warfidiyeenada in uu aad uga cadhooday xukunkan lagu riday maadaama buu yidhi aan waayay caruurtaydii, waxaana hadaladiisii ka mid ah "Waxa aan aad uga xumahay in xukun noocan oo kale ah la igu soo rogo maadama aan waayay caruurtayda oo ka koobnayd 3 wiil iyo gabadh, waxaanan xooga saarayaa sidii aan rafcaan uga qaadan lahaa" ayuu yidhi.

dhinaca kale hooyadii ninkan caruurtiisa laayay u dhashay ayaa lagu soo waramayaa in ay hada ku jirto cusbitaal isla markaana ay koomo ku jirto.

garsoorihii qaadayay dacwada loo haysto ninkan ayaa u sheegay warfidiyeenada in xukunka ay ku rideen ninkani aanu ahayn mid cadaalad u dhacay balse ay ka haboonaan lahayd in dil lagu xukumo "Xukunka ninkan lagu riday maaha mid cadaalad u dhacay waxaana ka haboonaan lahayd iyda oo ninkan dil lagu xukumo"

waa markii ugu horaysay ee dunida guudkeeda lagu arko nin caruur uu dhalay qudha uga jaray ka dib markii ay hurdada kaga ciyaareen

 

Nageeyenews/Desk

Hargeysa/somaliland

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 19 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design