| Iskuulka Axmed Guray: Dugsi Ay Wax Ka Wada Barteen Wiil Iyo Awowgii |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Monday, 08 February 2010 | |
|
Maamulaha Mr. C/Raxmaan Axmed Xuseen, oo Shabakada Ramaas News wuxuu kaga waramay xaalada waxbarashada dugsiga iyo sooyaalkii taariikheed ee dugsiga Axmed Guray soo maray waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:- S: Maamule ugu horrayn waxaad warbixin naga siisaa xaalada waxbarashada Somaliland? J: Dugsigan waxa la aasaasay oo la dhisay 1957 waxa dhistay dawladii Ingiriiska xiligaasi oo ay dalkan ka tallin jireen laba sakadood oo ka mid ah dhismeyaasha dugsigan ka dibna 1960-kii ayaa dawladii Somalia ayaa ku kordhisay sadex dhisme oo cusub oo ka kooban min sadex fasal. Dugsigani waa iskuul aad iyo aad u baaxad weyn.dugsigani wuxuu dheer yahay dugsiyada kale afar iskuul ayuu Ingiriiskii dhisay kuwaasi oo kala ahaa Axmed Guray, Sh. Bashiir, Biyo Dhacay-ga Hoose, Riis oo hadda la yidhaahdo Sh. Cali Cismaan iyo Dugsiga Malko durduro. Dugsigan Axmed Guray mooyaane inta kale waxay ahaayeen dugsiyo Hoose ka dibna ardayda ka soo baxda dugsiyada Hoose ayaa iman jiray Axmed Guray oo ahaa dugsi Hoose/Dhexe oo ku koobnaa fasalka 8-aad. Dugsigani wuxuu ka kooban yahay 17 fasal, 6 Xafiis iyo lix suuli iyo dey weyn oo ku wareegsan, ardayda dugsiga gelinka hore wax ka barataa waa 720. galinka dambena waxa dhigta 170 arday, wadartoodu waa 890 arday. 540 arday waa wiilal habluhuna waa 350 arday.waxaanu dusigu ka kooban yahay fasalka 1 illaa 8-aad. Dugsigani wuxuu dugsiyada kale dheer yahay waa iskuul ay ka baxeen ama wax ku soo barteen inan iyo awowgii waxaad arkaysaa reer dhan oo ku odhanaya dhammaantayo waxaanu wax ku soo baranay dugsiga Axmed Guray.dad badan oo masuuliyiin ah oo dawlada, xisbiyada iyo Haayadaha caalamiga ahba ka shaqeeya oo lixdan jir u yar yahay ayaa wax ku soo bartay dugsigan. Waa iskuul fac weyn oo magac weyn ku leh dalka.
14 macalin oo tayo leh oo baalasha dugsigu ku duullo ah ayaa dugsiga ka hawl gala kuwaasi oo aan hubo kasrtidooda iyo dedaalkoodaba. Waxa kale oo jira Guddi waalidiin ah oo nala shaqeeya waxyaabaha dibada nagaga imanaya iyo waxyaabaha iskuulka dhexdiisa ku soo kordhaba waxa u gudoomiye ah nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Idiris xubnaha kalena waa xubno aanu aad ugu faano oo iskuulku si weyn ugu tiirsan yahay. S: Maamule, Dugsigani imtixaanadii u dambeeyay ee shahaadiga ahaa iyo imtixaanaadkii dugsiyada Hoose/Dhexe kaalintee ayuu kaga jiray? J: Iskuulka Anigu waan ku cusubahay oo muddo lix bilood iyo dheeraad ah ayaan maamule ka ahaa laakiin muddo dheer ayaan macalin soo ahaa oo aan Hargeysa joogay iskuulkan Axmed Guray marnaba kumuu xumayn imtixaanaadka dusiyada mararka qaarkoodna safafka hore ayaabu geli jiray wakhtiyadan dambena dugsigu wuxuu ahaa mid aan ku xumayn imtixaanaadka, waxaana sidaasi nooga markhaati kacay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo dhawaan ka soo qeyb galay xaflad aanu u samaynay ardayda waxaanu tilmaamay inuu dugsigu yahay mid ka mid ah dugsiyada ugu wanaagsan waxbarashada. S: Dugsiga waxa dhawaan lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir balaadhan ayaa idinka caawiyay oo idinka taageeray arrintaasi? J: Sidaan hore kuugu sheegay waxa dugsigan la dhisay 1957-kii, dugsigan marka dayactirkan ugu dambeeyay laga yimaado waxa dayactir ugu dambeysay sanadkii 1994-kii xiligaasna dayactir wanaagsan laguma samayn. Dayac badan ayaa iskuulka ku dhacay gidaarada oo meelo badan ka dumay iyo gidaarada fasalada oo qolof dhacay. Dedaal badan iyo wax isku geyn geyn ay sameeyeen Guddida waalidiinta iyo maamulka iyo macalimiintiisu ayuu ku suuro gashay in dib u dhis laxaadleh lagu sameeyo.waxaanu u tagnay Wasiirka Wasaarada waxbarashada oo ah nin aad ugu weyn dadka xaafadan Axmed Guray oo aanu u mahad naqayno taageerada uu siiyo dugsiga. Wasiirkan oo ah tuulo kasta degmo illaa gobol ka dhisay dugsiyo waxbarasho oo ummadda reer Somaliland ay aad ugu mahad celiyeen. Md. Xasan Gadh-weyne ayaa dhegaystay cabashadayadii oo naga aqbalay waxaanu noo amray haayad Maraykan ah waxaanu amar ku siiyay Haayadaasi inay wax ka qabato dugsigan oo ay dayactirto. Haayadiina dugsigaasi way dayactirtay. S: Maxaad u soo jeedinaysaa dadka carruurtoodu ay wax ka bartaan dugsigaasi iyo ardaydaadaba? J: Waxaan leeyahay waalidka waad mahadsan tihiin waalid wanaagsan ayaad tihiin,carruurta subaxdii goor hore u kaca oo u soo tabaabusheeya si ay waxbarashada u helaan.waxaan waalidiinta u soo jeedinaynaa inay dhawrkii maalmoodba ay maalin dugsiga soo booqdaan si ay ula socdaan xaalada waxbarasho ee ubadkooda. Waxa kale oo aan ku darsanayaa oo aan uga faa’iidaysanayaa waxaan leeyahay qurbo jooga Somaliland dugsigii aad ku barateen waxbarashadii aasaasiga ahi haddii aad taageeraysaan wuu idiin baahan yahay waxaan odhan lahaa wixii aad la qaban karaysaan la qabta wuxuu idiin noqon doonaa wax muuqda oo taariikhda idiin galayee.
|
| < Prev | Next > |
|---|






Hargeysa/Nageeyenews- Maamulaha dugsiga Hoose/Dhexe ee Axmed Guray Mr. C/Raxmaan Axmed Xuseen, oo ahaa dugsigii ugu horreeyay ee Dugsiga dhexe ee laga furo magaalada Hargeysa sanadkii 1957-kii ayaa maanta ka xog waramay xaalada waxbarasho ee dugsigaasi iyo duruufaha ka jiraba. 