Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

udub oo kulan fool ka fool ah la yeelatay wafti reer finland ah iyo dulucda wada hadaladooda PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Monday, 08 February 2010

Hargeysa (Nageeyenews) guddoomiyaha siyaasada xisbiga UDUB Cumar jaamac ayaa kulan fool ka fool ah la yeeshay wafti balaadhan oo ka socday saafaradaha uu dalka finland ku kala leeyahay Ethiopia iyo Kenya

Wefdigaa waxa ka mid ahaa xoghaya kowaad ee safaarada Nayrobi, Kenya Ms. PIA Stjernvall, qunculka Safaarada Finland ee Addis Ababa Ethiopia Mr. Simo – pekka Parviainen, wakiil ka socda waaxda socdaalka Riku Santaharju.

hadaba warsaxaafadeed laga soo saaray safarka kooxdan ayaa waxa uu u dhignaa sidan

Waxanu u nimi Somaliland inaanu wax ka ogaano xaalada nabad gelyada ee wadanka, waxanu nahay wefdi farsamo ah (technical and fact finding mission) inaanu daba gal ku samayno mashaariic Dawladda Finland ka wado Somaliland iyo sidii aanu u kordhin lahayn wax wada qabsiga mustaqbalka. Waxanu kaloo u nimi inaano wax ka ogaagno doorashada Madaxtooyada ee ka dhici doonta dalka dhowaan sida la filayo.

Waanu ku faraxsan nahay nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland waxayna nagu dhiirinaysaa inaan wax badan la qabano Somaliland, Waxanu la kulmi doonaa Xukuumada Somaliland, qaar ka mid ah wasaaradaha, Hay’ahadaha nabad gelyada, Booliiska iyo ururada bulshada rayidka ah ee ka hawl gala wadanka iyo Xisbiyada Qaranka. Waxanu Somaliland u rajaynaynaa in doorashadu u qabsoonto si nabdoon oo aanu cadawgeedu ka faa’iidaysn, iyo inay noqoto mid xor ah oo xalaal ah (Transparency). Wefdigu waxay sheegeen in Dawladda Finland ugu deeqday Shacabka Somaliland lacag gaadhaysa 2 Milyan oo Euro ah waxna lagaga qaban doono biyaha, lacagtaas oo ay soo marinayaan UNICEF. Intaa kuma dhamma Deeqda dawladda Finland waxanu kaloo gacan buuxda ku lee nahay Deeqda Beesha European Union siiso Somaliland oo loo soo mariyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxanu kaalmo toos ah soo marinaa NGO’s wadanka ka shaqeeya.

Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Xisbiga UDUB waxu u sheegay wefdiga in Somaliland beesha caalmaka uga baahan tahay inay ka gacan siiso arrimaha nabad gelyada, Dimoqraadiyada iyo horumarintaba. Waxu kaloo u sheegay inaan beesha caalamka Somaliland kaga tegin meel cid la ‘ah si aaanay wax yeelo u gaadhin xasilloonda baahsan ee hadda ka jirta wadanka. Waad og tihiin waxa ka dhacaya Somalia iyo Dunida kaleba, haddaanaan taageero ka helin beesha caalamka ma xaqiijin karo inaan sii wadno nabada. Sidaa darteed taageero siiya hay’adaha nabad gelyada ka shaqeeya sida tababaro, isgaadhssin iyo qalabaynba.

Wefdigu waxay ku soo gaba gabeeyeen hadalkooda waanu dersi doonaa sidaanu wax ula qaban lahayn Somaliland, waanuna ku faraxsan nahay nabada gelyada iyo Dimoqraadiyada ka jirta Somaliland.

Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiayah Xafiiska Siyaasada ee Xisbiga UDUB

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 6 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design