| komishanka doorashooyinka oo cadeeyay in xaruntu ay hore u ahayd galgalen in badan lagu hirdamay |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Wednesday, 10 February 2010 | |
|
Hargeysa (Nageeyenews) Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa shaaca ka qaaday in xarunta komishanka doorashooyinku ay ahayd meel baaba' ah oo aanay waxba u kala soconin iyaga ka hor isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii ay dadka ugu soo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda. sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta komishanka doorashooyinka waxaana hadaladiisiii ka mid ahaa “Doorashada laba arrimood ayay inagaga xidhnayd midi waxay ahayd u diyaar garowgii caadiga ahaa ta labaadna waxa weeye hawl inaga inoo gaar ah oo ah diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee innaga xumaatay sidii loo sixi lahaa labadii arrimoodba sidii loo fulin lahaa waanu ku hawlan nahay.” Md. Maxamed Axmed wuxuu sheegay inay shaqaaleeyeen dhawr iyo toban qof oo ay u baahdeen, waxaanu yidhi “Xarunta Komishanka waxaanu nimid meel lagu hirdamay hortayo waxaanu ka shaqeynaynay sidii aanu kalsoonidii u soo celin lahayn xisbiyada, qaadhaan-bixiyeyaasha iyo dadweynahaba, waxaanu qaadanay oo shaqaalaynay illaa dhawr iyo toban shaqaale ah oo takhasus leh waxaana ugu muhiimsan sarkaalka diiwaangelinta qaranka oo xeerka diiwaangelintu jidaynayo waxaanu shaqadaasi u dhiibnay nin waayo arag ah oo la yidhaahdo Ibraahim Gam-gam ku xigeenna waanu u samaynay. Waxa kale oo ka mid ah shaqaalaha aanu qoranay madaxa wacyigelinta diiwaangelinta, Madaxa tababarada iyo kuwo kale iyo ku xigeenadoodii.” Afhayeenka Komishanka doorashooyinku wuxuu xusay inay u kala baxayaan Komishan ahaan Gobolada dalka si ay u soo dhisaan maamulkii Gobolada iyo degmooyinka ee ka hawlgeli lahaa xafiisyada doorashada, isagoo tilmaamay inay hawshaasi ay ku qaadan doonto muddo laba todobaad ah. Md. Maxamed Axmed Xirsi, oo ka hadlayay halkay u marayso hawshii sixitaanka Server-ka wuxuu yidhi “Waxa noo yimid shirkada ERIS ee Ingiriiska ah khubaradii ka socotay oo joogay muddo dhawr cisho ah. Waxa weeye oo aan laga fursanayn in kor loo qaado qalabka Server-ka (Soft ware) ku jira waxaana imika la wadaa in Nuqul la naqilo (Copy) macluumaadka diiwaangelinta intaan la taaban Server-ka. Khubaradan aynu diranay markay inoo soo saaraan liis ku meel gaadh ah waxaanu geynaynaa goobihii codbixinta si halkaa looga saxo oo qofkii iska waaya loogu sii baadho.” Afhayeenku wuxuu sheegay in dib loogu soo celiyay macluumaad hore loo sheegay in laga xaday Komishankii iyaga ka horeeyay, waxaanu yidhi “Xogtii la lahaa waa la xaday oo Nairobi ayaa la geeyay waa la keenay oo Interpeace way soo celisay, waxa siyaasadayadu tahay inaan qofna si xaqdarro ah looga saarin liiska diiwaangelinta codbixiyeyaasha.” Afhayeenka komishanka oo la weydiiyay muddada ay qaadan karto kala shaandheynta diiwaangelintu wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo wakhti hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay qaadanayso muddo dhawr bilood ah. Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle, oo la weydiiyay inuu sheegi karo wakhtiga ay doorashadu qabsoomayso wuxuu xusay inaanay magacaabayn maalin khaas ah waxaanu yidhi “Wakhtiga doorashadu ma noqonayo xilliga aanu jecel nahay ee waa in la sugaa xilliga ay ku qabsoomayso. su’aashana waa mid maalin walba nala weydiiyo tan iyo markii aanu xafiiskan nimid.” |
| < Prev | Next > |
|---|






