Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

wasiir ciro iyo waftigiisa oo kormeer ku soo maray xarumaha dawlada ee gobolka sool PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Thursday, 11 February 2010

Afficher l'image en taille réelle

 

 

 

Weftigii Wasiirada ahaa ee ka tirsanaa xukuumada Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro) ayaa saaka kormeer ku soo maray xafiisyada dawlada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaase ay la kulmeen dhammaan xafiisyada iskuduweyaasha wasaaradaha dalka ee gobolkaasi oo albaabadu u xidhnaayeen isla markaana aanay ka socon wax shaqo ahi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxay tageen xarumaha dawlada ee gobolka oo xiligii shaqada haawanaya oo cidi aanay joogin, marka laga reebo Xafiiska maamulka Sool halkaasi oo uu kula kulmay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Sool Md. Maxamed Cabdi Dhimbiil (Daad) iyo xarunta qeybta booliska ee gobolka oo uu halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha qeybta Booliska ee gobolkaasi Maxamed Saleebaan Gooni.

Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali waxa kale oo uu kormeeray D/Hoose Laascaanood halkaasi oo aanay wax shaqo ahi ka socon.

Wasiirku wuxuu maamulka gobolka Sool u soo jeediyay inay ka shaqeysiiyaan isku duweyaasha wasaaradaha iyo haayadaha dawlada.

Dhinaca kale, Wasiirka iyo weftigiisu waxay maanta Huteelka Xamdi ee Magaalada Laascaanood ay kula kulmeen qaar ka mid ah Maayarada degmooyinka Gobolka Sool ku kooban yahay kulankaasi oo lagaga hadlay xoojinta iyo adkaynta nabad gelyada iyo daadejinta maamulka dawliga ah.

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 10 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design