| agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta oo xilkii la wareegay |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Saturday, 13 February 2010 | |
|
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Ku Simihii Agaasimihii Guud ee warfaafinta Md. Maxamed Siciid Muxumed iyo Agaasimaha cusub ee todobaadkii hore Madaxweyne Rayaale soo magacaabay Md. Axmed Maxamed Caalin (Tiimbarro). Xafladii loo sameeyay xil wareejinta labadan Masuul oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta ee magaalada Hargeysa waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi Md. Cali Cilmi Geelle, Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaarada Warfaafinta iyo shaqaalaha Idaacada Radio Hargeysa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Md. Maxamed Siciid Muxumed iyo labadii Agaasime ee ka horreeyay ee soo maray Wasaarada intii uu isagu Wasiirkani joogay. Wasiirku wuxuu Agaasimaha cusub faray inuu hago maamulka Wasaarada iyo socod siinta hawl maalmeedka shaqada Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta isagoo kaashanaya Hawl wadeenada Wasaarada ka hawl gala. Md. Axmed Xaaji Daahir wuxuu tilmaamay in sanadkan laga bilaabo ay kala saari doonaan kartida hawl wadeenada Idaacada Radio Hargeysa iyo Wasaarada Warfaafintaba, waxaanu xusay inuu wiilka iyo gabadha ugu shaqada Wanaagsan shaqaalaha idaacada uu Guddoon siin doono abaal marin lagu dhiiri gelinayo. Agaasimaha cusub Md. Axmed Maxamed Caalin (Tiimbarro) ayaa u mahad celiyay Wasiirka iyo Madaxda Wasaaradaasi sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen shaqada, waxaanu ammaanay Agaasimihii ku meel gaadhka ahaa ee xilka ku wareejiyay. Dhinaca Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle iyo Ku Simihii Agaasimaha Md. Maxamed Siciid Muxumed oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay Agaasimaha guud ula shaqayn doonaan si hufan si kor loogu qaado adeega wasaaradu u hayso bulshada Somaliland. |
| < Prev | Next > |
|---|






