Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

xildhibaan nacnac oo ku baaqay in Donald Payne somaliland lagu marti qaado PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Saturday, 13 February 2010

Hargeysa (Nageeyenews) Xoghayaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa xukuumada Somaliland uga digay hadalada ka dhanka ah Senator Donald Payne oo uu sheegay in arrintaasi ay waxyeeli karto qadiyada Ictiraaf raadinta Somaliland.

Xildhibaan. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) wuxuu sidaa ku sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray waxa kale oo uu Golaha Wakiilada ugu baaqay inay Xildhibaan Donald Payne ku soo marti qaadaan Somaliland.

Warsaxaafadeedkaasina isagoo dhammaytirsan wuxuu u dhignaa sidan:-


"Si loo taabo geliyo loogana midho dhaliyo himilada qarankan Somaliland ee Ictiraaf raadinta, waxaanu xukuumada uga digaynaa ereyada ka dhanka ah Mudanaha Donald Payne iyo dawlada Maraykankaba.

Waxa kale oo aanu u soo jeediyaa dadka Soomaalida ah ee ay diinta iyo dhaqankaba wadaagno ee ku haysta afduub lamaanaha Ingiriiska ah inay siiyaan xoriyadoodii kuna sii daayaan si bilaa shuruud ah, iyagoo eegaya sharafta iyo karaamada kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool cariga Ingiriiska.

Waxa kale oo aan Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkaba ka codsan lahaa in Gole weynuhu marti qaad rasmi ah u fidiyo Senator-ka ruug caddaaga ah ee Donald Payne, maadaama oo uu xidhiidh iyo damqasho la leeyahay reer Somaliland."

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 1 guest online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design