| Wasiirka Qorshayntu Ma Gayo Dhaleecayn ee Wuxuu Mudanyahay in Lagu Hambalyeeyo Hawlkarnimdiisa |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Saturday, 13 February 2010 | |
|
Wasaarada Qorshaynta Qaranku waa Xubin halbaawle u ah Dawladda iyo Shacbiga reer Somaliland , taas oo leh culayskeeda iyo muhiimadeeda isla markaana tiir dhexaad u ah waxqabadyada iyo hawlaha ha’yadaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ba, iyadoo Wasaaradda Qorshaynta qaranku soo martay marxalado kala gadisan oo heer walba leh balse manta waxay joogtaa heerkii ugu sareeyey ee horumar iyo waxqabadba leh taas oo uu hormood u yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheyntu, Mudane Cali Maxamed Ibrahim ( Cali Sanyare) Hadaba anigoo tixraacaya maqaal lagu soo qoray Wargayska Jamhuuriya Cadadkiisii soo baxay 7 February 2010 oo uu qoray Sacad Maxamuud Jibril (Qarami) ciwaana uga dhigay “Wasaiirka Qorsheynta: Qowda Maqashii Waxna haw qaban” 1. Waxyaalaha uu ku eedeyey oo ay ugu weyneyd “Shaqaalaha Ajnabiga ah iyo Shaqo siinta muwaadinka, ma aha shaqada wasaaradda qorsheynta, waxaa arrimahaas ku shaqo leh Agaasinka Guud ee shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Caafimaadka. 2. Ta la xisaabtanka ha’yadaha wuu dhinac maray, la xisaabtanka waxa ku jira wixii ay sannadka bilowgiisa keeneen iyo sidii uu kharashku ku baxay. 3. Arrimaha kale ee shakhsiyada wasiirka kaga hadlay, waxba ka odhan maayo, maxaa yeelay qof aqoon u leh wasiirka ma aha qoraha maqaalku, hase yeeshee waxaan kula talin laha qoraha in uu haldoorka ummadda u qiro wanaagiisa oo aan lagu xajimeyn waxaan jirin. Mudadii Wasiir Cali Wasaaradda Wasiirka ka ahaa waxay wasaaradu ku tallaabsatay waxqabad dhinac walba leh hadii ay noqoto wasaarada gudaheeda iyo hawlaha kale ee wasaaradu qaranka iyo ummadda u haysaba. Wasiirka wasaaradda Qorshayntu waa nin aqoon, khibrad, Hawlkarnimo, Daacadnimo iyo dadaalba leh, waxaana gundhig u ah hawlaha uu bulshada u hayo waxa loo yaqaan (Transparency and Accountability), taasi oo ka muuqata ee wax qarsoon maaha ummadda iyo dawladda uu xilka u hayaana way ogyihiin ee malaha adiga ayuu daah kaa saran yahay saaxiib. Marka aad qalinka intaad qaadato aad rabto inaad ummadd qoraal u soo bandhigto ama fikirkaaga cabirto, waxna u tilmaanto waa in runta iyo xaqiiqada ka fogaan, fadeexada iyo dhaleecaynta ay danaha shakhsiga ah ka dhex muqdaan maaha in madaxda qaranka ee nadiifta ah la marmariyo lana xagxagto. Maahmaah ayaa tidhaahda ‘Gaalka Dil Gartiisana Sii’, maqaalkaaguna wuxuu u muuqday mid dhinac ka raran, waxaanan markale ku celinayaa in dadka haldoorka ee bulshada dantooda ka shaqaaynaya loo qiro, Wasiir Cali Sanyarena Bilad-Sharaf iyo ammaan ayuu ka mutay, Bulshada reer Somaliland iyo qarankoodaba sida hagar la’aanta ah ee uu ugu shaqeeynayo hadh iyo habeenba, horaana loogu abaal mariyey loguna hibeeyey abaal- marino badan oo ilaa heer caalami ah. Haddaba markaan u soo noqdo Wasiirka Qorsheyntu intii uu xilka la wareegay waxqabadyada uu ku gulaystay waxa aan ka soo qaadan karnaa:- 1. La xisaabtanka Mashaariicda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramadda Midoobay ka fuliyaan dalka ta soo si joogto ah wasaaradda qorshayntu ula xisaabtanto sannadkiiba hal mar iyagoo lagu kormeerayo mashaariicda ay dalka ka fuliyaan xisaab xidhkooda iyo halka ay maraan, taas oo ammaan badan uga soo hooysey dalka gudihiisa iyo dibadiisa. 2. Haggaajinta nidaamka loo raaco diiwaangelinta INGOSka iyo Isku dubaridka “Xeerkii u horeyey ee loo sameeyo “INGOs oo mudaba hor yaal Golaha Wakiilada” waa markii u horreysay ee laga fikiro in “Xeer nidaamiya ururada aan dawliga ahayn ee caalamiga iyo wadaniga ahba loo sameeyo. Haddu xeerkaasu soo baxana, wax weyn ayuu ka tari doona wadashaqeynta ururadaas iyo laamaha kala duwan ee bulshada. Waajibaadka laga rabo ururadaa iyo mudnaanta ah inay siiyaan muwaadinka ayaa ku qeexan. Haddaba, wax xeer ah oo kale xadeynaya awoodaha iyo wajibaadka ururadaas iyo bulshada inteeda kale ma jiraan. Waxa lagu maamulaa farsamo ku saleysan is- afgarasho. 3. Waxay wasaaradu nidaamisay aqoonyahanadii dalka oo ay u sameysay Urur u gaar ah, welina ay taageerto markii ay u baahdaan. 4. Waxay dejisay islana waafaqeen deeqbixiyayaasha barnaamijkii “Dibu-udhiska iyo horumarinta ahaa (2008- 2012) ee wali socda. 5. Waxa la dardargeliyey waxqabadka iyo dhismaha hoose ee wasaaradda iyadoo lagu xoojiyey aqoonyahano khibrad dheer u leh aqoonta horumarineed. Waxay, hadda, khuburadaasi diyaariyeen “policy documents” oo wax weyn ka tari doonta horumanrinta dalka marka loo gudbiyo golaha wasiiradda, lana ansixiyo. 6. Waxa socda dhisme weyn oo wasaaradda loogu talo-galay, una suurtogelineysa, markii ugu horreyey in shaqaalaha wasaaraddu meel iskugu yimaadaan. 7. Waxay wasaaraddu daabacday qoraalo cilmi baadhiseed sida cilmi-baadhista xogo badan xambaarsan oo loo yaqano (Somaliland-in- Figures) ee sida wayn looga soo dalbado dalalka dibadda. Waxqabadyada horumarka leh waxa hormood iyo hage u ah wasiirka wasaaradda qorshaynta oo isagu in badan ka soo shaqeeyey qorshayaasha horumarka ee qaaradda Afrika. Waxaan aniga iyo dhallinyarada horumarka jeceli aaminsanahay, isla marakana garab taaganahay inuu Wasiir Cali Sanyare tusaale u yahay dad badan oo uu ku dayasho mudan yahay. Waxa qoraha maqaalka ka muuqda in uu kala garan layahay ama mugdi kaga jiro shaqada Wasaaradda Qorshaynta iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, isla markaana wuxuu si toos ah u weerar shaqsiyadda wasiirka isagoo dan gaar ah wata. Waxaan haddaba ku soo gunaanadayaa yaan la cambaraayn muwaadinka dalkiisa iyo dadkiisa u hagar baxay. Qallinku yaanu xaqiiqda ka durkin, taariikhduna iyaadaa isqorta. Qalinkii: Maxamed Adan Ruush, Email:": This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it " This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it Tel: 4018664 |
| < Prev | Next > |
|---|







