Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

guddi loo xil saaray taakulaynta abwaan xuseen xirsi Cadib (boon) oo lagaga dhawaaqay London PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Saturday, 13 February 2010

London - qoraal ay soo saareen qurba jooga reer somaliland ee ku kula dhaqan qaaradaha america iyo Yurub ayaa sheegay in ay xooga saarayaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen abwaan Xuseen Xirsi Cadib (boon) oo ay xaalad caafimaad daro iyo dhaqaale la'aani ku habsatay

Qoraalkiina waxa uu u dhignaa sidan.

Kulano iyo xidhiidho waayadan u socday Waxgarad Aqoonyahano ,Odayaal , Abwaano iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Qurbajooga Somaliland ayaa lagu gorfeeyey xaalada Abwaanka Weyn ee Boon Xirsi oo ku sugan Caasimada Somaliland Hargeysa , islamarkaana u baahan Dhakhtar Caafimaad oo wax looga qabto Dhinaca Indhaha .


Kulanadan iyo Xidhiidhadan ayaa dhamaantood ku saabsanaa sidii Abwaanka Somaliland loogu gurman lahaa gaar ahaana Qurbajooga Somaliland Qaarada Yurub oo looga baahanyahay in ay la xidhiidhaan Gudida Guud ee loo Magacaabay.


Gudidan Guud ee la unkay ayaa tilmaamay inay Bulshada Somaliland ay wax is tari karaan hadii ay isu kacaan gaar ahaana Qurbajooga Somaliland waajib ay ku tahay inay dadaal u galaan sidii ay dadkooda ay u wax u tari lahaayeen , Gaar ahaan Abwaan Boon Xirsi oo Qiimo gaara ku leh Bulshadeena Guud ahaanba .

Ugu dambayntii waxaa la sameeyey Gudi ka kooban 11-xubnood oo leh Gudoomiye islamarkaana loogu magac daray Gudida Abaabulka &Taakuleynta ee Abwaan Boon Xirsi.


Gudiga Abaabulka & Taakulaynta Abwaan Boon Xirsi Qaarada Yurub .
1- Gudoomiye ,Mudane ,Salebaan Cumar Ku-Joog, London UK,Tel, 07957397401
2- Abwaan ,Maxamed Xasan (Dheglas). London UK., 07947432970
3- Abdirisaq Sh, Ibraahim Kooshin (alpha) –Bristol UK, Tel, 079833311144-

4- Suldaan Cabdilaahi Sweden , Leicester ,UK, Tel, 07519027613
5- Abdiraxmaan Muuse Qaraami , Coventry ,UK Tel, 07960813885
6- Maxamed Diiriye Nuur (Fariid), Birmingham,UK, Tel, 07878227321
7- Maxamed Sh.Ibraahim (Xujaale) Shefeild, UK Tel, 07931592585
8- Axmed Xasan Carwo, Cardiff ,UK Tel, 07961600 8969-

9- Abwaan Ismaciil Aw-Adan Jaamac UK., Tel,07947838047
10- Maxamed Jaamac Cilmi (Jaruur) Milton Keynes UK Tel,07956903237
11- Cabdi Awr Fuul –Shootali , Manchester UK, 07958577396


Gudiga kale Abaabulka & Taakulaynta Abwaan Boon Xirsi Qaarada W/America
1. Gudoomiye, Ismaciil Faarax Ibraahim. Canada Tel, 6473797127
2. Oday Axmed Juuq-Dhawr, Canada /Tel , 0014169999823.

3. Omar Axmed .
4. Mustafe Cabdi Cartan.

Dhamman Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qurba jooga Gaar ahaan Qaarada Yurub iyo W/America waxaa si naxariis leh looga codsanayaa inay ka soo qayb qaataan Taakuleynta dhaqaale ee loo wado Abwaan Boon Xirsi oo u baahan gurmad deg deg ah, lana xidhiidhaan Gudiyada laba Qaradood oo ah qaar isku mida hawsha ay wadaan.

Hadaba muwaadiniinta Somaliland ee Qaarada Yurub ee ku tabarucaya gargaarka Abwaanka, waxaa laga codsanayaa in si toos ah ugu diraan tabarucooda Account looga furi doono xafiiska sharikada Dahabshiil ee magaalada London oo ay ku ururayso tabarucaadkaasi, masuulna uu ka yahay Gudoomiyaha Gudida Qaarada Yurub Gud Salebaan Cumar Ku-joog.


Wixii su’aal iyo faahfaahin ku saabsan tabaruca sidaad u dirayso, fadlan kala soo xidhiidh gudiyada isu xilqaantay tabarucaasi Abwaan Boon Xirsi Qaarada Yurub iyo W/America Gaar ahaana Qaarada Yurub Gudoomiyaha Gudida Tabaruca Mudane Salebaan Cumar Ku-Joog oo laga heli karto Telefoonka ka ah: Mobile ka:- 07957397401 iyo Gudoomiyaha Gudida Tabaruca Qaarada W/America Mudane Ismaciil Faarax Ibraahim. Canada Tel, 6473797127. Wabilaahi Tawfiiq

Xidhiidhiyaasha
1. Mr, Shucayb Maxamed Gurux, UK Tel, 07984746325
2. Mr, Adan Yusuf Elmi. UK, Tel,07947276010

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 15 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design