| Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay geedi-socodka dhexdhexaadinta khilaafka golahaas |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Sunday, 14 February 2010 | |
|
Guddigaas oo ka kooban sagaal Mudane oo Guurtida ka tirsan, waxa uu goluhu magaacabay Arbacadii aynu ka soo gudubnay, ka dib markii xubnaha Shirguddoonku golaha ka hor caddeeyeen in aanay wax natiijo ah ka gaadhin wadahadalo la xidhiidhay khilaaf muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay, isla markaana golaha ugu soo celiyeen si xal guud looga gaadho. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in guddigu aanay weli wax talo ah Shirguddoon ahaan ku soo celinin. “Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay wax soo celisana aniguna ka qaadi maayo, cid kale inay ka qaadana ma ogoli,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadam oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay hawsha dhexdhexaadinta khilaafka Guurtida. “Guddigu weli way maqan tahay, dhakhsana waanu uga filaynaa inay talooyinkooda keenaan,” ayuu raaciyay. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin waqti cayiman oo ay guddiga ku balansan yihiin inay talooyinkooda ku keenaan. “Kollay, maalin walba waanu isu imanaynaa, subax walbana waanu tagnaa meesha – halka ay marayaan. Markaa hadda wax war ah oo la idinka siin karaa ma jiree, marka guddigaasi ka soo baaraan degto ee talooyin keento ha inoo ahaato,” ayuu yidhi. Mar la waydiiyay in waxyaabaha ay Shirguddoon ahaan isku hayaan, iskuna afgaran waayeen ay ka qoto dheer tahay khilaafkii ka dhashay wax-ka-bedelkii guddiga Joogtada ah, waxa uu ku jawaabay; “Kollay, khilaaf golaha saameeyay baa ka dhashay (bedelkii guddiga), taas baana daawo loo rabaaye, wixii guddigu keento ka hordhici maayo,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan. Dhinaca kale, Xildhibaan Aadam Shire Faarax oo ka mid ah guddiga loo saaray dhexdhexaadinta khilaafkaas, waxa uu sheegay in aanu jirin wax ay weli guddi ahaan isla qaateen. “Walaahi, Ilaahay baa og, ilaa haddeerna ma cadda, mana garan karto inta ay qaadan karto,” ayuu yidhi Xil. Aadan Shire oo uu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay Wargeyska Ogaal. “Waxba kumaanu celin (Shirguddoonka), waxbaba maanu gaadhin oo markaanu wax gaadhno uun baanu wax celin karnaa,” ayuu raaciyay. Mar la waydiiyay inay jiraan qodobo guddi ahaan ay isku mari la’yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Wax kasta oo la isla maroba, waxa nuxurku yahay waxa la isla gaadho, waana in natiijo la isla gaadho ama la islaba gaadhi waayo.”
|
| < Prev | Next > |
|---|






