|
Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka dayriyay xaaladda Xabsiga Berbera |
|
|
|
|
Written by N.News editor
|
|
Sunday, 14 February 2010 |
|
Hargeysa (Nageeyenews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ka dayriyay xaaladda Xabsiga magaalada Berbera ee xarunta Gobolkaas. Waxaanu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xaaladda Xabsiga Berbera ay liidato. “Xabsiga Berbera arrintiisu waxay maraysaa meel khatar ah, waxa loogu talo-galay in lagu xidho Maxaabiista mudda yar ilaa 6 bilood xidhnaanaysa, maaha xabsi ballaadhan..Xabsigani maanta wuu ciir-ciirayaa, waxaana halkaa ku xidhan dadkii falalka Argagixiso loo xukumay..Sidoo kale waxa lagu soo xidhay Xadhigyo ad-adag oo dhawr iyo labaatan sanno ilaa xabsi-daa’in u dhaxeeya dad ku xukuman.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile. Xil. Maxamed Faarax Qabile wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in dhacdooyinka Laascaanood doonayso inay ku daboosho arrimaha Berbera, waa sida uu hadalka u yidhiye. “Xabsiga Berbera waxaan qabaa in aanu qaadi karin culayska intaa le’eg, aniga oo ku hadlaya Afka Xildhibaannadii ka soo baxay Gobolka Saaxil. Waxaan leeyahay arrinkaasi waa arrin qoto-dheer oo aanay Xukuumadda Rayaale ujeedada la gaadhayn, xaalad-abuurka loo tuhunsan yahay in ay iyadu ka dambayso ee ka dhacaya Laascaanood, waxay doonaysaa in arrinta Berbera ka soo socota lagu iloobo waxa ka dhacay Laascaanood.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Xildhibaan Qabile waxa uu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta Xabsiyada dalka. “Waxaan leeyahay maamulka Xabsiyada dalka, sharcigu wuxuu dhigayaa in fal kasta lagu xukumo halka uu ka dhaco meeshii aan nabad-gelyo darteed aan loogu hayn karin..Lama waayin meel lagu xidho Maxaabiista intaa le’eg ee tiradaa leh..” ayuu yidhi Xil. Qabile, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan ka dayrinayaa, una soo jeedinaya maamulka dalka inay maxaabiista sidii sharcigu ahaa ka soo raraan magaalada Berbera ee loogu talo-galay Maxaabiista xadhig-yaraha ah oo culayska intaa le’eg laga soo dul qaado.” |