| fadhigii golaha guurtida oo maanta maalintii labaad u xidhan kooram la'aan iyo dareenada ku xeeran |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Sunday, 14 February 2010 | |
|
tan iyo minasubaxdii hore ee saaka ayay mudanayaasha aqalkaasi gaaf wareegayeen xayndaabka hore ee golaha guurtida iyaga oo markii danbena mid mid uga baxay xarunta. guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Nuux ayaa goor dambe oo ay saacadu ku dul taagnayd 10kii subaxnimo soo gaadhay xarunta, salaan iyo is gacanqaad ay is dhaafsadeen xubno kooban oo ka mid ah golahaas, balse waxa uu hore u sii galay xarunta isaga oo fadhiistay xafiiskiisa. fadhigan maanta ayaa noqonaya kii 2-aad ee ay mudanayaasha aqalka odayaasha somaliland ku hungoobaan in uu furmo ka dib markii uu sidan oo kale fadhgii shalay u qabsoomi waayay markii uu buuxsami waayay kooramku. warar hoose oo aan xaqiiqdoodu sugnayn ayaa sheegaya in golaha guurtida uu ka dhex taagan yahay khilaaf hoose kaas oo ka dhashay ka dib markii ay shirguddoonka goluhu ku wargeliyeen mudanayaasha in ay u maaro waayeen khilaafkii dhexdooda yaalay isla markaana ay u saareen guddi soo xalisa. si kastaba ha ahaatee mudanayaashii saaka fadhigaas u soo diyaargaroobay ayaa wajiyadooda laga dheehanayay in uu jiro khilaaf xoogan oo ku kala dhex jira mudanayaasha kuwaas oo laba garab u kala fadhiyay. isku soo wada duubo shacabka reer somaliland ayaa indho qaawan ku eegaya aqalka golaha guurtida oo maalmihii u danbeeyey ahaa kuwo ay hadalhayntoodu badan tahay isla markaana uu khilaaafkoodu dibada u soo baxay, ilaa hadana ma jirto gacmo dibadeed oo ka qayb qaatay xal u helida khilaafkooda.
C/casiis Aadan Cunaaye This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it Hargeysa/Somaliland |
| < Prev | Next > |
|---|






Hargeysa (Nageeyenews) fadhigii golaha guurtida somaliland ee maanta ayaan qabsoomin ka dib markii uu kooramku u buuxsami waayay mudanayaasha golahaas.