Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

wasiir caafimaad oo daaha ka fayday in dhakhaatiirta uu xilka ka qaaday ay ahaayeen ma shaqaystayaal PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Sunday, 14 February 2010

Hargeysa (Nageeyenews) wasiirka Wasaarada caafimaadka Somaliland Mud. Cabdi Haybe Muxumed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhawaaqyada kala duwan ee ka soo yeedhay dhakhaatiirtii uu dhawaan shaqada ka fadhiisiyay.

wasiirku waxa uu xusay in dhakhaatiirtani ay ahaayeen kuwo aan dadka iyo dalka midnaba u shaqaynayn isla markaana ay sii gaar ah u shaqaynsan jireen.

sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaa faahfaahin ka bixinaya

“Dhakhatiirtaasi way jiraan oo waa dhakhaatiir ka tirsan Wasaarada, hase yeeshee xilkoodii gudan kari waayay oo saacadihii la doonayay inay u shaqeeyaan ummadda ka baaqday, waana shaqaale dawladeed oo mushahar qaata, markaa waxa jirta inuu nin waliba uu iska furtay xarun caafimaad oo suuqa ah. Dhakhtarka Cisbitaalka yimaadaana waa mid inta uu dadka suuqa lacagta kaga soo qaatay doonaya inuu Cisbitaalka ku qalo bukaanka taasina dantooda ayay u yimaadaan ee ummad u adeegis ma aha. Qofka shaqaalihii waa inuu 8 saacadood u shaqeeyaa ummadda.”

“Sanad kasta waxa soo baxa Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u baahan in khibrad la siiyo kaalintaasi inay buuxiyaan oo ay dhakhaatiirta cusub waayo-aragnimo siiyaana way gabeen. Cisbitaalada Hargeysa, Boorame iyo Cisbitaalka Edna waa Cisbitaal wax lagu barto, waxa loogu tallo-galay lix bilood in Cisbitaalka Hargeysa lagu siiyo dhakhaatiirta cusub tababar, lix bilood oo kalena Cisbitaalka Hargeysa dhakhaatiirta cusubi ay joogto khibrad badan lama siiyo. Laakiin Cisbitaalka Boorame si wanaagsan ayaa wax loogu faa’iideyaa. Dhakhaatiirtan imika shaqada laga joojiyay nin qudha oo saacad Cisbitaalka ka shaqeeyaa kuma jirto,” ayuu yidhi Md. Cabdi Haybe.

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 2 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design