Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

dareenka dadka reer hargeysa ay ka bixiyeen erigii dhakhaatiirta PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Monday, 15 February 2010

dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa dareemo kala duwan ka bixiyay erigii uu dhawaan Wasiirka Wasaarada caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Muxumed uu kula kacay qaar ka mid ah dhakhaatiirtii ka hawl geli jirtay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

wariye ka tirsan shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo maanta codbaahiyaha la dhex qaaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayay u sheegeen in ay ahayd talaabo wax ku ool ah isla markaana ay ku hanbalyaynayaan wasiirka.

Oday Cismaan Muxumed oo aanu kula kulanay badhtamaha suuqa wayn ee Hargeysa ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo erigaas, waxaanu u cuskaday in aanay dhakhaatiirtu u hawl geli jirin sidii la rabay waxaana hadaladiisii ka mid ah "Runtii dhakhtarka wayn ee Magaalada Hargeysa waxa ka sheekayn kara qof is dhex taagay ama bukaan ku haya.

marka aad gasho waxa ay markaaba indhahaagu qabanayaan dad cabanaya oo leh muddo ku siman saacado ayaanu halkan joognay oo Nurse mooyaane dhakhtar wayn maanaan arag, haddii ay yimadaana inta ay joogaan waa saacado kooban.

markaa waxa aan leeyahay wasiirka caafimaadka waad ku mahadsan tahay eriga aad kula kacday dhakhaatiirtii ku qornayd cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa oo runtii ahaa kuwo ku mamay baadhashada dadka, waxaana mararka qaarkood aad arkaysaa waraaq uu dhakhtar kuu qoray kaas oo ku leh waxa aad la tagtaa farmasi hebel oo aad isagii kuu soo qaray ugu gelayso, hadaba shacabka reer somaliland uma baahna in farmasii loo diro ee waxa ay u baahan yihiin in cusbitaalka guud wax loogu qabto" ayuu yidhi

dhinaca kale hooyo Maryan Jaamac ayaa u sheegtay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews in ay ka yaaban tahay hadaladii ugu danbeeyay ee ka soo yeedhay dhakhaatiirtii uu wasiirka caafimaadku shaqada ka ruqseeyay kuwaas oo ay bay tidhi aanan weligay ku dhex arag cusbitaalka guud.

"Waxa wax lala yaabo ah in dhakhtar si gaar ah u shaqaystaa uu yidhaahdo haddii cusbitaalka guud nalaga eryay wax kala soconayaa ma jiraan, waxa aan leeyahay hooyo bukaanku waxa uu u baahan yahay in wax loo qabto ee uma baahna in lagu dul baayactamo oo la yidhaahdo dawo heblaayo waxa aad ka helaysaa oo keliya farmasii hebel ee u tag" ayay tidhi.

dhinaca kale wasiirka Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirtii shaqada laga fadhiisiyay ayaa tan iyo shalay weedho aad u kul kulul isku waydaarsanayay qalabka warbaahinta.

mid ka mid ah dhakhaatiirta shaqada laga fadhiisiyay ayaa wasiirka wasaarada caafimaadka ku eedeeyay in uu wasiir u yahay gobolka Hawd oo keliya hadalkaas oo uu wasiirkuna jawaab ka bixiyay

si kastaba ha ahaatee cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo aanu caawa fiidkii booqasho ku tagnay ayay hawlihiisi si habsami ah u socdaan, ilaa hadana ma jiraan cabsho iyo hawlo gaabis ah oo ku yimid.

 

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews

Hargeysa/Somaliland

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design