| guurtida oo maanta durduro ku ansixisay qodobo ay soo jeediyeen guddidii xal u helida khilaafka shir |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Tuesday, 16 February 2010 | |
|
Hargeysa (Nageeyenews) fadhigii golaha guurtida somaliland ee maanta ayaa si habsami ah u qabsoomay ka dib markii uu saddex cisho oo hore u baaqday kooram la'aan iyo cago jiid dhinaca mudanayaasha ah. fadhigan oo ay ka soo xaadireen 62 ayaa waxaa halkaasi lagu ansixiyey qodobo ay soo jeediyeen guddidii dhawaan loo magacaabay xal u helida khilaafka soo kala dhex galay shirguddoonka fadhigan maanta oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha golaha guurtida Mud. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa warbixin dheer lagaga dhagaystay guddidii xalinta khilaafkii cakirnaa ee soo kala dhex galay shirguddoonka. guddidan loo saaray xalinta khilaafaadka shirguddoonka ayaa soo go'aamiyay in gabi ahaanba la baabiyo guddidii joogtada ahayd ee ay dhawaan sameeyeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo ku xigeenka labaad iyo kuwii hore u jiray si bay yidhaahdeen loo helo ama ay u soo noqoto midnimadii golaha guurtida lagu yaqaanay. waxa kale oo ay guddidaas soo jeediyeen in shirguddoonku uu isku shaandhayn ku sameeyo guddiyada golahaas inta aan la gaadhin kalfadhiga 39-aad. si kastaba ha ahaatee fadhigan maanta oo ay dad weyne aad tiro badani ka dhursugayeen ayaa u qabsoomay si habsami ah, waxaana qaar ka mid ah bulshada rayidka ah oo aanu kula kulanay jidka hor mara golahaasi ay noo sheegeen in ay la dhacsan yihiin xalinta khilaafka in muddo ah ku kala dhex jiray shirguddoonka golaha guurtida. |
| < Prev | Next > |
|---|






