| siilaanyo oo jawaab cadho leh ka bixiyay erigii uu wasiirka caafimaadku shaqada kaga eryay dhakhtara |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Tuesday, 16 February 2010 | |
|
Guddoomiye Siilaanyo, ayaa eriga dhakhaatiirta ku sifeeyey gef, tacadi iyo sharaf dhac loo geystay karaamada ummada, islamarkaana ku tilmaamay shaqo-ka-caydhintooda mid salka ku haysa arrimmo siyaasadeed, islamarkaana waxa uu ka digay cawaaqib-xumada ka dhallan karta. Mr. Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay shir muddo dhawr casho ah u socday xukuumadda iyo hay’aaha mashaariicda ka fuliya Somaliland. Shirka jaraa’id ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isagoo dhammaystiran waxa uu u dhignaa sidan: “Maanta waxaanu doonaynaa inaanu halkan dareenkayaga iyo mawqifkayaga kaga dhiibno arrimo dhawr ah oo maalmihii u dambeeyey dalka ka dhacay, arrimahaas oo ah tallaabooyin ama falal ay xukuumaddu ku kacday oo aanu u aragno gef, tacadi iyo dhibaato loo geysanayo nolosha iyo karaamada ummadda. Arrimahaa waxa ka mid ah kooxo dhakhaatiir ah oo shaqada laga eryey horaantii toddobaadkan, kuwaas oo ay mid yihiin 11 dhakhtar oo ka hawl-geli jiray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo weliba qaar kale oo badan oo ka hawl-geli jiray cusbitaallo kala duwan oo dalka ah, waxaana ka mid ah dhakhaatiirta hore loo eryey maamulihii cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab oo la ogyahay waxa uu ka qabtay cusbitaalka guud ee Hargeysa. Waxa kale oo xusid muddan in dhakhaatiirta la eryey ay ahaayeen kuwo muddo dheer ummadda ugu soo adeegayey si mutadawacnimo ah. Sida aanu rumaysanahay ama ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo aanu haynaa dhakhaatiirtaa erigooda waxa Aj-buray sababo ay ka mid yihiin inaanay dhakhaatiirtaasi la aragti ahayn wasiirka caafimaadka iyo madaxda kale ee xukuumadda madaxweyne Rayaale, sidaa darteedna erigooda la qallin daraareeyey, iyadoo aan erigooda loo cuskan wax sharci ah iyo wax qiimayn ah oo shaqadooda la xidhiidha, waana xaaraan in dhakhaatiirta iyo dadka ka shaqeeya goobaha hal-bawlaha ah in aragti siyaasadeed ama waxa uu aaminsan yahay lagu eryo. Gefka iyo tacadiga loo geystay xuquuqda shaqo ee kooxaha dhakhaatiirta ah waxa ka sii darran baahida caafimaad ee taala meelihii ay ka shaqayn jireen, meelahaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal bukaan jiif ahi, iyadoo la ogyahay baahida ay ummaddu guud ahaan u qabto daryeel caafimaad. Taasi waxay muujinaysaa inaanay xukuumadda dalka ka jirtaa wax muraad ah ka lahayn ummadda ee ay qofkii ummadda wax u tari lahaa ka door-biddayso qofka taageera xisbiga UDUB. Sidaa awgeed hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE waanu canbaaraynaynaa, aadna way noo damaq-day, talaabooyinka ay xukuumaddu kula kacday adeegaayaashii caafimaadka dalka, waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumadda madaxweyne Rayaale inay dib uga noqdaan talaabada caynkaas ah. Waxa kale oo aanu halkan ku xusaynaa inuu xisbiga KULMIYE siyaasad cad ka leeyahay tayeynta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadida daryeelka adeegayaasha caafimaadka, taasna waxaanu ku soo bandhigaynaa barnaamijkayaga. Waxa kale oo ka mid ah arimaha maalmahan u dambeeyey dhacay, shir la sheegay inuu ka socdo Hotelka Ambassaddor ee magaalada Hargeysa, shirkaasna sida ay jaraa’idku qoreen ay xukuumaddu daadihinayso, ugu yaraan laba dareen ama arimood ayaa ka dhashay oo ay ummaddu iswaydiinaysaa. Marka hore waxa la sheegay in shirkaa lagaga hadlayo caawimooyinka ay beesha caalamku siinayso Somaliland, taas oo la sheegay in labadii sannadood ee ina dhaafay ee 2008 iyo 2009 ay beeshu caalamku Somaliland soo gaadhsiisay dhaqaale gaadhaya 216 Milyan oo dollarka Maraykanka ah, dhaqaalaha intaa le’eg-na waxay ummaddu iswaydiinaysaa halka uu galay iyo waxa ummadda loogu qabtay, iyadoo ay xukuumaddu hore u sheegtay markii dhaqaalahaa la qoondaynayey sannadkii 2008 in dhaqaalahaa la gelin doono dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada, loona maamuli doono si waadaxa oo xisaabtan leh (Transparency). Hase yeeshee waxaynu ognahay baahida adeeg, dayaca nololeed iyo horumar la’aanta haysa bulshada reer Somaliland, dhaqaalaha intaa le’egna waxaanu u aragnaa inuu wax badan dabooli lahaa hadii uu yahay wax waddanka galay, sidaa darteed xukuumadda madaxweyne Rayaale waa inay ummadda ka qanciso meesha uu dhaqaalahaasi galay iyo sida loo maamulay, iyadoo uu xisbiga KULMIYE si weyn diiradda ugu hayo, siyaasad cad-na ka leeyahay kob-cinta dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadida heerka nololeed ee bulshada, taasna waxaanu ku soo bandhigi doonaa barnaamijka wax-qabad ee xisbiga. . Sida ay qoreen jaraa’idka qaarkood waxa kale oo ka mid ah wararka soo baxaya shirkaa in lagaga hadlay arimo dareen iyo guux dhaliyey oo ku saabsan qaddiyadda madax-banaanida Somaliland, taas oo la sheegay in madasha shirka lagaga tiraabay inay Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaliya, taasna xukuumaddu ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin. Mana caddayn mawqifka ay ka taagan tahay aragtida caynkaas ah, sidaa darteed xukuumadda madaxweyne Rayaale ee shirka daadihinaysa waxa looga fadhiyaa inay caddayso mawqifkeeda arintaa ku saabsan. Waxa kale oo ka mid ah arimaha maalmahan dhacay ee sida weyn noo dam-qay arin Axaddii doraad ka dhacday magaalada Tog-wajaale, taas oo ah inay boolisku si xun u garaaceen, ka dibna xabsiga u taxaabeen nin laxaadla’ oo curyaan ah, ninkaas oo ah nin dhalinyaro ah, magaciisana la yidhaahdo Faarax Axmed Maxamed, waxa la sheegay in sababta loo garaacay, xabsigana loogu taxaabay tahay laba arimood, ta hore maqaal uu ku qoray wargeyska Geeska Afrika oo uu kaga cabanayo tacadiyo ay hore bilaysku ugu geysteen iyo ta labaad oo ah inuu ka mid yahay taageerayaasha xisbiga KULMIYE. Sidaa darteed aad iyo aad baanu xisbi ahaan u canbaaraynaynaa falkaa tacadiga ah ee bilaysku kula kacay ninkaa curyaanka ah, waxaanuna taliyaha bilayska Somaliland uga fadhinnaa inuu ummadda u sheego sababta ay waxaasi u dhaceen, waana ka digaynaa inay falal caynkaas oo kale ahi dib u dhacaan, iyadoo ay had iyo goor taageerayaasha xisbiyada mucaaradka iyo guud ahaan-ba dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland kala kulmaan maamulayaasha xukuumadda Ina Rayaale falal tacadiya oo ay ka mid yihiin: hadidaad, xadhig, cabudhin iyo dhibaatooyin kale, waxyaalahaasna hadii ay xukuumaddu ka waantoobi waydo, waxay keeni doontaa cawaaqib-xun, mana aha wax loo dul-qaaddan karo.” |
| < Prev | Next > |
|---|






Hargeysa (Nageeyenews) 