Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

diinteenu maxay ka qabtaa xuska maalinta jaceylka aduunka? PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Tuesday, 16 February 2010

Waxaa naxdin ah in maalinta fooda nagu soo haysa ee tarikhdu tahay 14 Febraayo ay dad muslimiina ay xusi doonan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!. Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

 

Haddaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino. Waa inaan ogaannaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s iyo halka uu ka soo bilowday iyo diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine's Day

Marwalba oo ay taariiqdu ku beegantahay 14 February waxaa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaal dagaa maalintaas iyo magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiranyahay xuskaas diimeed?

Maalitaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Roman ka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno Ilaaha haweenka iyo guurka. Maalinta ku xigta oo ah ,15th February, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

 

Taariikhda Valentine’s Day

 

Nolosha wiilasha iyo gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas. Waxyar ka hor u dabaaldagidda Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad. Wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa in ay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

 

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in aynan nimanka Romans ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda. Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado.

 

Valentine xilligaas wuxuu ahaa Waziir dhinaca Kaniisadaha iyo Diinta kana tirsanaa dowladdii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen. Arintaas daraadeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

 

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo laxuso sanadwalba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

 

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

 

Haddaba Diinta Islaamku Maxay Ka Qabtaa Dabaal Dagga Maalintaas

Hadaan soo qaato xadiis kamid ah axaadisti uu rasuulka SCWS uu kaga hadlayo dabaaldagyada iyo ciidaha ay diinteenu ogashahay ayaa wuxuu yahay

ولم يقر النبي صلى الله عليه وسلم أعياد الكفار وأعياد الجاهلية، فعن أنس رضي الله عنه قال: قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم

 المدينة ولهم يومان يلعبون فيهما فقال: "ما هذان اليومان؟ قالوا: كنا نلعب فيهما في الجاهلية. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: "إن الله قد أبدلكم بهما خيراً منهما: يوم الأضحى ويوم الفطر" رواه أبو داود والنسائي.

allaa mahad leh.

mukhtar ahmed muhumed

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 11 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design