| wasiirka arrimaha dibada somaliland oo beeniyay war ku soo baxay wargeyska saxansaxo |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Saturday, 20 February 2010 | |
|
Hargeysa (Nageeyenews) - Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray jawaab kaga bixiyay qoraal maanta lagu baahiyay Wargeyska Saxan saxo ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa. Warkaasi oo ku saabsanaa xukuumada oo isku maandhaaftay jawaab laga bixiyo hadal ka soo yeedhay Safiirkii Masar Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:- “Tixraac maqaalka Cinwaankisu yahay “ Xukuumadda Rayaale oo iskumaan-dhaaftay in jawaab laga bixiyo hadalkii Safiirka Masar ka dhex Yidhi Hargeysa”. Maqaalkaas oo ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo caddadkiisii 862 ee soo baxay Sabti. 20/2/2010. Maqaalkaas oo nuxurkiisu ahaa saluug ay ka muujiyeen jawaabtii uu Wasiirka Qorshayntu ka bixiyey arrintan iyo Wargeyska oo sheegay in Jawaab uu Wasiirka Arrimaha Dibeddu ka bixin lahaa uu ka joojiyey Madaxweynuhu. Haddaba, waa marka hore e, waan ku qanacsanahay jawaabtii uu ka bixiyey Wasiirka Qorshaynta oo ahaa Guddoomiyaha Shirkaas. Ta labaad, ma jirto meel uu Madaxweynuhu kaga joojiyey Jawaab uu bixin lahaa Wasiirka Arrimaha Dibeddu. Waxaa Xafiiskani la socodsiinayaa dhammaan Shacbiga Somaliland iyo cidda danaynaysa xidhiidhka Somaliland la yeelanayso dalalka adduunka. Siiba, waddamada Africa iyo Carabta, in xidhiidhka Somaliland iyo dalka Masar uu yahay xidhiidh isa soo taraya. Isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Abdillahi M. Duale iyo Safiirka Masar MR. Siciid Maxamed Morsi, ay si foolka fool ah isu arkeen, kana wada hadleen xidhiidhka Masar iyo Somaliland iyo sii-xoojintiisa. Iyadoo labada dhinac wada hadaladooda si afgarad ah ay isula qaateen baahida loo qabo in la helo Xafiis xidhiidhiya labada dal. Sidaas awgeed, warkaasi ku soo baxay Waregyska Saxansaxo waa been abuur aan sal iyo raad lahayn, waxaanan kula talinayaa in Wargeysku ka waantoobo beenta iyo fidnada bulshada dhexdeeda ah.” |
| < Prev | Next > |
|---|






