| xoghayaha udub oo ay wadhi ka raacday madal ilyartu is hayso iyo gaada ka ciyaarkii mucaaradka |
|
|
|
| Written by N.News editor | |
| Saturday, 20 February 2010 | |
|
Xafladaasi waxa soo qaban qaabiyay Dallada ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UCID, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah dhalinyaradii maalintaasi taliskii siyaad barre saarayay Maxkamadii badbaadada 20-kii febarwari sanadkii 1982-kii iyo Boqolaal dadweyne ah.
"Dhalinyarooy Nabadgelyada dalka cidii xumaynaysa ha dhegaysanina,"ayuu yidhi Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo wejigiisii is bedelay oo cadho saaqmay. Xoghayuhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay taariikhda maalintan oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la weyneeyo oo loo dabaal dego. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa markii uu minbarka fuulay ay aad ugu sacbiyeen dadweynihii xafladaasi ka soo qeyb galay. Waxaanu yidhi "Waa maalin qiimo iyo qaayo aad u weyn u leh dalkan iyo dadkan. Maalintani waxa ummaddeena lagala dagaalamayay waxay ahayd cadaalad darrada, Dhalinyarooy maanta haddii aydaan taariikhda bedelin oo aydaan isbedelka loo baahan yahay keenin.oo aydaan dalkiina joogin. Waxaan idin kula tallinayaa inaynu u baydhno wixii dalka iyo dadka wax taraya." "Maanta wax dalka iyo dadka dhisaya ka heli mayno Xisbiga UDUB ee maanta jooga, waxaynu u diyaar nahay doorasho inaga raagtay iyo dimuqraadiyad la damcay in la beydhiyo oo wakhtigeedii dhexda lagaga dhego ma doonayno.nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo sharafteenaba inagaa ilaashanayna,"ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxaanu aad ugu mahad celiyay Dallada Ururada Dhalinyarada Somaliland. Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md, Maxamuud Siciid Muxumed ayaa isagu nasiib darro ku tilmaamay wax uu ugu yeedhay yooyootanka xisbiyada mucaaridka ah ee madashii xuska sanad guuradii 28-aad ee maalintii dhagax tuurka Ardayda Hargeysa oo loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland. Wasiirku wuxuu sheegay inaanay maanta ahayn maalin la siyaasadeeyo mashadaasi waxaanu xusay inaan sanadaha soo socda lagu soo casuumi doonin madaxda axsaabta xafladan oo kale.waxaanu ka sheekeeyay taariikhda maalintan. Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, oo ka mid ahaa dhalinyaradii xiligaasi maxkamada la saarayay ee ururkii UFO iyo Guddoomiyaha Dallada SONYO waxaanay ka warameen dareenkii iyo muuqaalkii Maalintaasi lahayd.
|
| < Prev | Next > |
|---|






Hargeysa(Nageeyenews) - Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay maalintii dhagax-tuurkii Ardayda Magaalada Hargeysa sanadkii 1982-kii ayaa saaka lagu qabtay xarunta Beerta xoriyada ee Magaalada Hargeysa.
