Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

wasiirka gaashaandhiga somaliland oo ka hadlay dagaal dhex maray ciidanka qaranka iyo puntland PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Monday, 22 February 2010

Hargeysa(Nageeyenews) - Ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool ayaa maanta fashiliyay weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen maleeshiyo beeleedka Puntland waxaana Ciidamada Somaliland ay baacsadeen maleeshayadaasi.

Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Md, Saleebaan Warsame Guulleed, ayaa ka waramay hawl galkaasi iyo sida maleeshiyadii Puntland loo jabiyay waxaanu yidhi “Waxa jirtay saaka goor subaxnimadii hore ah in Maleeshiyo beeleed ka tirsan Maamulka Puntland ay ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool,ciidankiina markiiba ay jabiyeen oo ay eryadeen kaantaroolo ay dhigteen oo ay dadka lacagta ka urursan jireenna ay baabiiyeen, Ciidamadu waxay maleeshiyadaasi xataa dhaafiyeen meelihii ay hore u daganaayeen. Waxa imika hortayda taalla dukumanti ay dadka lacag kaga qaadi jireen oo ciidamadu ay soo furteen.”

“Wax khasaare ahina muu dhicin waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa ciidamada qaranka ee geesiyaasha oo u heeganka ah cadowga Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan dhigu.

Dhinaca kale, weftigii Xukuumada ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa maanta socdaal ku tagay degmooyinka Qoryaale iyo Gobolka Saraar, waxaanay halkaasi xadhiga kaga jareen saldhig cusub oo laga hirgeliyay degmada Qoryaale.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md, Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa maanta dhagax dhigay xabsiga laga dhisayo degmada Caynabo ee xuranta gobolka Saraar.

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 4 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design