|
Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane faysal cali waraabe oo farxadii iyo soo dhawayntii ka yaabay |
|
|
|
|
Written by N.News editor
|
|
Tuesday, 23 February 2010 |
|
Isbdalka siyaasada iyo saaxada ragu ku loolamaayo ee hadba qorshayaal cusub iyo siyaasado cusub la isku waajahayo. Tartanka wayn ee loogu jiro hanashada shacbiga somaliland ee codkoodu yahay[JAWHARAD IYO DAHAB QAALIYA].
TARTANKA doorashada somaliland waa la isu biyaystay doorkan Waxaad moodaa in xisbi kastaaba soo Bandhigay AWOOD wixii uu hayay Waxa xisbi kastaaba isugu yeedhay raga intii uu saaxada TARTANKA keeni karaayay. KUMAA HOGAANKA QABAN MUDANE MADAXWAYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN MUDANE GUDOOMIYE XAAJI AXMED MAXAMED [SIILAANYO] MUDANE GUDOOMIYE ENG FAYSA CALI WARAABE[HANGOOL
Maanta ayaad arkikartaa in guulo la taban karo IN uu gaadhay xisbiga UCID. Soo dhawynta faysal ayaa ka tarjumaysa sida loogu han wayn yahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka. SHACABKA maanta kasoo qayb galay soo dhawaynta faysal ayaa taagna wadooyinka magaalada hargaysa. Ilaa madaarka ilaa badhtamaha suuqa ayaa waxaa taagnaa dad lulaayay caleemo qoyan , qaar ubax ah, sawirada mudane faysal ayaa meel kasta dadku la taagnaa waxa hoonka garaacayay oo isdaba galay gawaadhi aad u tiro badan oo hakiyay isu socodka magaalada. Micirifoono ayaa qaarkood xidhnaa kuwas oo laga saaray heeso lagu soo dhawaynaay mudane faysal.
Akhirkiina waxa qudbad taariikhiya jeediyay mudane faysal cali waraabe kaas oo ka waramay safarkiisii iyo ujeedaduu u tagay. Asagoo dadka war galiyay in wax kastaaba guu ugu soo dhamaadeen
Sadexda xisbi ee dalka ka taliya ayaa had iyo jeer markay debed u baxaan waxa u caado ah inay yidhaahdaan [ SAFARKAYAGII GUULBUU NOOGU SOO DHAMAADAY] Inkastoo shacabkA REER SOMALILAND marar badan iswaydiiyo guulaha ragan siyaasiyiintu sheegaan ilaa xad waxa ka jira. KUMAA HOGAANKA QABAN MUDANE MADAXWAYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN MUDANE GUDOOMIYE XAAJI AXMED MAXAMED [SIILAANYO] MUDANE GUDOOMIYE ENG FAYSA CALI WARAABE
SICIID CABDI DHEEN
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
uk
|