Well Come to Nageeye News Network CONTACT US e-mail:-nageeyenews@hotmail.com or call us 0025224419035

Home
Monday, 06 September 2010
 
 
Main Menu
Home
suugaan
Other Menu
Administrator

guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay hargeysa PDF Print E-mail
Written by N.News editor   
Tuesday, 23 February 2010

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Fayasal Cali Waraabe ayaa maanta si layaab leh loogu soo dhaweeyay magaalada Hargaysa, kadib markii lagaga hor tagay tuulada Haleeya ee Bariga Hargaysa.

Faysal Cali Waraabe oo shalay ka soo degay madaarka magaalada Berbera, waxa maanta ku soo dhaweeyay magaalada Hargaysa kumanaan kun oo qof oo kamida taageerayaasha xisbigaas, kana kala yimi shanta degmo ee caasimadda Hargaysa, waxa guddoomiyaha ku qaabilay tuulada Haleeya guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan murashaxiisa madaxwayne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaga guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada oo ka soo kala jeeda Xisbiyada KULMIYE iyo UCID.


In ku dhaw kun baabuur ayaa guddoomiyaha u soo galbiyay xarunta xisbigaasi ee Magaalada Hargaysa, halkaasi oo taageerayaashii soo dhaweeyay uu khudbad uga jeediyay.


Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu u mahad naqay dadwaynihii soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in dadwaynaha reer Hargaysa ay soo dhawayntiisa ku muujiyeen in ay leeyihiin Murashax Murashax, waxaanu Yidhi "Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa kumanaan kun ee qof ee dalkayga igu soo dhaweeyay, waxaan leeyahay reer Hargaysa waxay u tuseen in ay ogaadeen in ay murashax leeyihiin, socdaalkaygu waxa uu qaatay muddo saddex bilood ah, waxaan u maqnaa danta Somaliland Boqolkiiba Siddeetan, waxaan tagay dalka Ingiriiska, Biljam, Sweden iyo Finland. Ingiriisku waa dal amaan inaga mudan, dhaqaalaha ugu badan ee doorashadana iyo kala shaandhaynta diwaangelintana isaga ayaa inaga bixinaya. Waxaan dalkaas kula kulmay xisbiga muxaafidka ee mucaaridka ah, waxaanay ii sheegeen haddii ay doorashadan ku guulaystaan in ay ahmiyad wayn siin doonaan qadiyada Somaliland, waanay ka dhiiran yihiin xisbiga talada haya."


Dalka Biljam-na waa dal xarun u ah 27-ka wadan ee ku jira midawga Yurub, waxaanu halkaas ugu tagnay dad ILLAAHAY inoo diray iyada oo aan dawladdeenu tagin oo cid waayay. Waxay inoo balan qaadeen in ay bixinayaan qayb ka mid ah kharashka doorashada cidna ay u soo diri doonaan doorashada madaxtooyada, waxa amaantaas leh oo qadiyadeena ka dhaadhiciyay dalkaa dhalinyaro reer Somaliland ah oo dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo anagana muddadii aanu joognay halkaa naga bixiyay Hoteelkii iyo kharashkii, noona agaasimayay balamaha madaxda dalkaas. Dalka Sweden oo dhawaan wareejiyay xilka guddoomiye nimada midawga Yurub, waxay sheegeen in ay Somaliland ula macaamilayaan si toosa, oo aanay Soomaaliya waxba ugu daraynin;" ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.


Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dalka Norway uu dhawaan xeebaha Somaliland keeni doono laba markab oo budhcad badeeda ka ilaaliya .


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu si qoto dheer uga waramay barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku wajahan Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo siyaasadiisa arrimaha dibada.
"Walaalayaal kala doorta shan sannadood oo danbe oo bilaa Ictiraaf ah oo bilaa waddo ah oo bilaa Daawo ah. Madaarkii Hargaysa wuu xidhmay oo diyaaradihii ayaa soo fadhiisan kari waayay. Walaalayaal waxaanu dhisi doonaa Dawladd 18 wasaaradood ka kooban oo tayo leh," ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi "Riyaale Maaha in uu cid dirto oo uu yidhaahdo reer Hebel u taga’e, waa in uu Caarigaabo, Burco iyo Oodwayne tagaa oo uu u sheegaa wixii uu qabtay todobadaa sanno ileen isaga ayaa sharaxane. Maaha in uu cid dirto oo uu yidhaahdo waxaad ku tidhaahdaan haddii aad idooran waydaan hebel baa soo baxaya. Haddii uu hebel soo baxo ma dadkuu cunayaa

 
< Prev   Next >

Radio Nageeye

 
Who's Online
We have 8 guests online
 
Design by Somaliland Software!
USA Logo Design
Logo design